Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaan-darro ku tilmaamay burburka wada-hadalladii Kismaayo ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tani ay weji gabax ku tahay Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu u tegay ninkii uu shalay ku tilmaamayay Shabaab kalkaal, sida uu hadalka u dhigay.
“Madaxweynaha ninkii uu sanadka la diriraayay, uu ciidanka Raaskambooni ugu raray ee maxkamadda gobolka kasoo saartay dacwad ay leedahay ha lasoo xiro, oo xeer ilaaliyihii dambi kusoo oogay, Golihii wasiiraddana ay intaas oo jeer kasoo saaray inuu dambiile yahay oo weliba Shabaab la shaqeysta, Madaxweynihii ayaa socday oo meeshaa ka dhacay,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Mucaaradka ayaa sheegay in madaxweynaha uu isagu wax walba isku noqday, taas oo wiiqday macnihii hay’adaha dowliga ah. “Horta dalkaan waxaa ogaaneysaan xeer ilaaliye ma jiro, maxkamaddan majirto, Gole wasiirrona ma jirto, haddii ay macno leeyihiin wixii ay soo saareen ayaa qiimo lahaan lahaa,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “Dowladnimada saas maaha, Madaxweyne sidiisaba wuxuu tagaa meel heshiiskeedu dhamaaday ayuu tagaa. Dowladnimada waxaa waaye madaxweynaha waa laga horeeya oo dad ayaa u gogol xaara, wax diyaarsan ayuu madaxweynaha tagaa, laakiin madaxweyne iska aadaya meel wax uga soo baxayaan aan aqoonin.”
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in uu Kismaayo kala soo laabtay fara marnaan, isagoo xusay inay aheyd inuu tanaasul muujiyo, maadaama uu u martiyay ninkii uu shalay waaranka maxkamadeed uu u soo jaray.
“Waxay aheyd haddii uu dhiiraday oo uu tegay Kismaayo inuu soo tanaasul asay mudneyd, maadaama cidda la fiirinayo ee dalka madaxda ka ah waa saga,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
“Madaxweynahu waa marjaca loo laaban lahaa markii la is fahmi waayo, ma ahan halka wadahadalku ka billaaban lahaa, haddiise uu Kismaayo tagay, waxay ahayd inuu tanaasulo.”
Warsame ayaa kamid ahaa xubnaha mucaaradka ee ka hor safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo kula soo shiray Axmed Madoobe magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirkaas oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa madaxweynaha Puntland, ayaa waxay labada hoggaamiye iyo xubnaha mucaaradka ugu heshiiyeen in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.
Sidoo kale waxay dhinacyadan isla gaareen in sida ugu dhaqsah badan shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.
“Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta qarannimada, xasilloonida iyo wadajirka dalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland.
Sidoo kale, bayaankaas ayaa lagu xusay in shirka Nairobi uu ahaa mid lagu dhisayay kalsooni siyaasadeed, isla markaana lagu xoojinayay dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya hesho “mustaqbal wanaagsan oo horseeda xasillooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale.”
Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujiyay rabitaan ku aaddan safarkiisa, haddana waxaa muuqata in Axmed Madoobe ku adkaysanayo shuruudihiisa.
Si kastaba, Mucaaradka iyo Saciid Deni ayaa Madoobe u arka mid muhiim u ah dagaalka Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo haatan ku qanciyay in uu dib uga joogsado heshiis uu la gaaro dowladda dhexe, uuna aad uga fiirsado wada-hadallada Xasan.
Hoos ka daawo muuqaalka