27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Muxuu Muuse Biixi ka yiri jabhada cusub oo ay ku dhawaaqen saraakiisha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Jabhad cusub ka dhan ah maamulkiisa  oo uu ku dhawaaqay Korneel Caare oo kamid ahaa Saraakiisha maamulkiisa.

Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu la socdo dhaqdhaqaaqa Jabhada kasoo horjeeda maamulkiisa ee uu ku dhawaaqay Korneel Caare, hase yeeshee uusan aqbali doonin in la burburiyo Somaliland.

“Cidna kama yeeli doono in Somaliland ay u horseedo burbur iyo abuurka Jabhado looga soo horjeedo maamulka aan hogaaminaayo”

“Korneel Caare kama diidin wadahadal balse kama qaadan doono inuu qalalaaso amni galiyo maamulka waxaa u furan wadahadal iyo inuu la imaado tabashooyinkiisa”

Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fadhiisto misna la hadlo Korneel Caare iyo garabkiisa, balse uusan diyaar u aheyn colaado Jabhadeed oo xiligan ka dhaca Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Koeneel Caare oo la goostay ciidamo iyo gaadiid dagaal ayaa isku dhiibay maamulka Puntland waxa uuna halkaa kaga dhawaaqay Jabhada looga soo horjeedo Xukuumada Biixi oo lagu eedeeyay cadaalad daro.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News