26.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Muxuu Qoor-Qoor uga tanaasulay musharaxnimada Galmudug?

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa shaaciyey inuu ka tanaasulay u tartamidda xilka madaxweynaha Galmudug kadib wada-hadallo uu la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka.

Qoor-Qoor ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyey ay jireen aragtiyo kala duwan oo u dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug, gaar ahaan qaabka loo wajahayo doorashooyinka iyo marxaladda kala guurka ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qiray in labada dhinac ay arrimaha doorashooyinka isku khilaafsanaayeen, hase yeeshee uu ugu dambayn dhacay is-afgarad kadib kulamo iyo wadatashiyo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dhinac.

Waxa uu sheegay in Galmudug ay ku jirto marxalad la mid ah tan guud ee dalka, taas oo u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.

“Dowlad-goboleedka Galmudug waxay ku jirtaa marxaladda kala guurka ee dalka uu ku jiro. Muddooyinkii u dambeeyey waxaa jiray kala duwanaansho ku saabsan sida doorashadu u dhacayso. Markii ay noqotay arrin aan si isku mid ah loo wadin, waxay u baahatay in si qoto dheer looga fikiro,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Qoor-Qoor ayaa intaas ku daray inuu go’aansaday inuu ka haro tartanka xilka, isaga oo sheegay inuu taageeray jihada ay Dowladda Federaalka u waddo geeddi-socodka doorashooyinka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in maamulka uu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa illaa laga soo dooranayo hoggaan cusub, isaga oo xusay in xil wareejinta loo sameyn doono si waafaqsan habraacyada dowladeed.

“Galmudug waxay igu leedahay jacayl gaar ah, sida carruurta la dhalay oo kale. Waxaan go’aansaday inaan ka haro nidaamka hadda socda. Xilka waan sii haynaynaa, si habsami leh ayaanna u sii wadi doonnaa. Cid kasta oo la doorto waxaan ku wareejin doonnaa Galmudug mideysan oo caafimaad qabta,” ayuu yiri Qoor-Qoor.

Waxa uu faray hay’adaha kala duwan ee dowlad-goboleedka Galmudug inay sii xoojiyaan shaqooyinka horumarinta, amniga iyo adeegyada bulshada, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo horumarka laga gaaray maamulka.

Go’aanka uu ku dhawaaqay Qoor-Qoor ayaa soo afjaraya doodihii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex taagnaa Dowladda Federaalka iyo Galmudug ee la xiriiray hannaanka doorashooyinka. Sidoo kale, waxaa la filayaa in deegaannada Galmudug ay ka dhacaan doorashooyin dadweyne, sida ay hore u shaaciyeen Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

- Advertisement -

Read more

Local News