Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan soo baxay Liis ay ku qornaayeen golaha wasiirada oo la isla dhex marayey inay yihiin kuwa hordhac ah oo ka tirsan golaha wasiirada ee uu soo magacaabi doono Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre,
Haddaba waxaa arintaas looga hadlay war kasoo baxay Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in liisaska golaha wasiiradda oo dhowr iyo labaatan gaaraya ay ku jireyn wasiiro horrey xilal uga soo qabtey dowladihii dalka soo maray iyo kuwa haatan xilal haya.
Xafiiska Kheyre ayaa idaacadda VOA qeybteeda afka Soomaaliga u sheegay in aysan warkaas waxba ka jirin, isla markaasna uusan ilaa hadda Ra’isulwasaaraha soo saarin wax liis ah oo ku saabsan golaha wasiirada.
Sidoo kale warka kasoo yeeray Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa lagu sheegay inaysan jirin cid ogaan karto liiskaa isla markaasna saxaafadda loo soo bandhigi doono hal mar si isku mid ah waxaana wararkaas lagu tilmaamay inay yihiin kuwa been abuur ah oo ay sameysteen shaqsiyaad dano gaar ah leh.
Waxaa xafiiska Ra’isulwasaaraha kasoo baxday digniin ku aadan in la joojiyo wararka beenta ah ee laga sheegayo wasiirada gaar ahaan liiska lasoo bandhigay oo ay ku qornaayeen wasiiro aad u badan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]