Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Alper Aktas oo maalin ka hor booqasho ku tegay magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kula soo kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa hoos u dhigay booqashadiisa.
Alper Aktas oo haatan kusoo laabtay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa illaa iyo hadda ka hadlin booqashadiisii Boosaaso, sidoo Kalena wax faah-faahin kama uusan bixin kulankii uu la yeeshay Saciid Deni, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.
Caadiyan haddii safiirku uu kulan la yeesho madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed waxa uu ka shaacin jiray kulankaas baraha bulshada ee safaaradda, balse illaa iyo hadda sooma hadal qaadin booqashadiisii Boosaaso iyo wada-hadalladii dhexmaray isaga iyo Saciid Deni.
Sababta ka dambeysa arrintan ayaa waxaa loo aaaneynayaa xiriirka hooseeya ee ka dhexeeya labada dhinac, waxaana sidoo kale Turkiga uu horay uga carooday tallaabada ay qaaday Puntland oo iyadu markabkan ka qabsatay xeebta degmada Bareeda ee u dhow Ras Xaafun.
Arrintan waxay kusoo aadeysaa, iyada oo haatan Puntland ay Turkiga ku wareejisay markabkii hubka siday ee kusoo socday xerada TurkSom ee ku taalla magaalada Muqdisho. Wareejinta markabka MV Sea World ayaa looga dhawaaqay kulankii dhexmaray Saciid Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Isniintii booqday magaalada Boosaaso.
Madaxtooyada Puntland oo bayaan soo saartay ayaa shegtay in Turkiga uu la wadaagay caddeymo muujinayo in hubkaas ay iyagu leeyihiin, kadibna ay sidaas ugu wareejiyeen.
“Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay markabka iyo shixnada uu sido ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madaxtooyadda maamul-goboleedka Soomaaliyeed e Puntland.
Si kastaba, sii-deynta markabkan ayaa ku timid dadaal diblumaasiyadeed heer sare ah oo Imaaraadka u sameeyay Turkiga, maadaama uu si weyn ugu dhow yahay Saciid Deni, taas oo ugu dambeyntiina keentay in markabka iyo hubka uu siday lagu wareejiyo Turkida.

