Muxuu salka ku hayaa kulanka maanta ee xildhibaanada BF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ku yeeshaan xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Guddoonka baarlamaanka ayaa fariimo qoraal ah u kala diray Xildhibaanada kuwaa oo maanta lagu wargaliyay inay soo gaaran xarunta.

Fariimaha loo kala diray Xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu furmi doono saacadu markey tahay 10:30 subaxnimo.

Ajandaha kulanka ayaa waxa uu yahay Akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Biyaha iyo Akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Waxbarashada.

Sidoo kale, xildhibaanada ayaa sheegay in maanta la filaayo in baarlamaanka la horkeeno sharciyo kala duwan oo muhiim ah.

Kulankan ayaa kusoo beegmaayo xili kulamadii ugu danbeeyay ay Xildhibaanadu wakhtiga ku dhameysteen kulamo aan mirro dhal laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com