Muxuu Xasan ka yiri isbaheysiga Deni, Madoobe iyo Madasha iyo go’aannadii kasoo baxay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ayaa si adag uga hadlay shirkii ay shalay Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xubnaha ku shiray Nairobi ee sameystay isbaheysiga cusub aysan wadin dan Soomaaliyeed, isagoo ku dooday inuu sameeyay tanaasul badan, isla markaana uu raadiyay maamullada ka maqan, balse iyagu ka dhago adeygeen.

“Hoggaamiyayaaal mowqifkooda caddeeyay oo sheegay oo lagu raacay anagii ayaa ku raacnay, waad og tihiin keenii ayaa bedelnay. Maanta mushkilada na haysata waxa weeyi in kii shalay aan ka aqbalnay ay haddana diidan yahay. Maalin walba in aan meel ku nagaan weyno waa dhibaato,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed ma qabato halkii lee ha la joogo. Mas’uuliyadda anaga ayay noo dhiibteen, haddii aan meeshaas la gaarno waxaa tuhun sanahay in aan dayacayno, mana dayici karno”.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in aysan waxba diidaneyn, balse ay diidan yihiin in dalkaan meeshu joogay lagu sii hayo oo aan hore loo socon. “Dowladnimada yaa loo sii dhawaan ayaa diidanahay ee sidee loogu dhawaado waa ku kala ra’yi duwanaan karaa,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa ku adkaystay inuu sii wadayo arrimaha doorashooyinka qof iyo cod iyo wax-ka-beddelka dastuurka oo uu sheegay in ay ku jirto dan umadeed iyo in hore u socoto Soomaaliya.

“Umadda Soomaaliyeed wax kasta oo naga qaldan waa saxaneyn, waana leenahay awooddii aan ku saxan laheyn iyo rabitaankii lagu saxayay, marka meeshii aan ka nimid yaa naloo celin, oo gadaal yaa naloo celin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Qof siyaasad daraadeed loo caburinayo hore uma jirin, haddana ma jirto. Ra’yiga waa xor, qofka wuu cabiri karaa, kii baarlamaanka ku jira golaha ha ka dhex cabiro, kii banaanka jooga banaanka ha ku cabiro, inta qofku hadlayo qofkii la hadla waa laga gardan yahay, laakiin qofka marka qori soo qaato wax dilayo in gacanta laga qabto uu mudan yahay”.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya xilli ay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland iyo xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya sameysteen isbaheysi cusub, iyagoo goโ€™aamiyay in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale waxay isla gaareen in si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

Tan ayaa muujinaya in khilaafka u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland uu weli meeshiisi taagan yahay, taas oo fashil kusoo idleynaysa dadaalladii laga dhex waday dhinacyada isdiidan, isla markaana sii dheereynaysa in waqti dhow xal laga gaaro khilaafka taagan.

- Advertisement -

Read more

Local News