Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo saaray ayaa maanta hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee waddanka Suuriya Axmed Al-Sharca oo si kumeel gaar ah loo magacaabay Arbacadii lasoo dhaafay.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay barta Twitter-ka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Axmed Al-Sharca u rajeeyay in dalkiisa ku hoggaamiyo sidii uu uga soo kaban lahaa burburkii kasoo gaaray colaaddii dalkaasi la degtay sanadihii lasoo dhaafay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay in uu diiradda saaro ka miro-dhalinta himilooyinka bulshada iyo sidii xasilooni waarta loogu soo dabaali lahaa Suuriya.
“Waxa aan hambalyo u dirayaa hoggaamiyaha waqtiga kala guurka ah ee Jamhuuriyadda Carbeed Suuriya Axmed Al-Sharca, waxa aan ku bogaadinayaa in uu diiradda saarayo ka mira-dhalinta himilooyinka bulshada, Xasiloonida iyo qaran cagihiisa ku istaaga” ayaa lagu yiri warka lagu daabacay barta Twitter-ka Villa Somalia.
Axmed Al-Sharca ayaa talada dalka la wareegay ka dib markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Assad bishii hore, iyada oo loo magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ah, isla markaana loo igmaday dhismaha gole sharci-dejin oo ku meel gaar ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda.
Isbaheysi uu hor-kacayo ururka Islaamiga ah ee Hay’at Tahrir Al-Sham (HTS) ee uu Al-Sharca madaxda u yahay ayaa 8-dii Diseembar xukunka ka tuuray Assad ka dib duulaan degdeg ah, taasoo soo afjartay 50 sano oo xukun adag oo qoyskiisu dalka soo maamulayeen. Waxaa horay loo dhisay dowlad ku meel gaar ah oo dalka sii hagi doonta illaa 1-da Maarso.
Kooxda HTS ayaa waxaa urur argagixiso u aqoonsaday dowlado badan oo ay ku jirto Mareykanka, inkastoo ay dhawaan isku dayday inay beddesho hab-hadalkeedii hore, ayna ballan qaaday inay ilaalin doonto beelaha laga tirada badan yahay ee diimaha iyo qowmiyadaha ee Suuriya.
Tan iyo markii xilka laga tuuray Assad, diblomaasiyiin reer Galbeed ah oo is xig-xigay ayaa booqday Suuriya iyagoo ku baaqay in la helo dowlad ku meel gaar ah oo loo dhan yahay.