27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Halkee ayay ku dambeysay dacwaddii muranka ee la geliyey badda Somalia?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo maanta la hadlay Warbaahinta maxaliga, ayaa waxa uu ka hadlay Muranka ka taagan Biyaha Somalia ee u dhexeeya DF Somalia iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in DF Somalia aysan u dulqaadan doonin in la qaato Hantideeda, waxa uuna dhanka kale sheegay in Arrintaasi ay kala xisaabtami doonaan Dowlada Kenya.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha ayaa waxa uu Xildhibaanada BF Somalia ka Codsaday inay kaalin buuxda ka qaatan soo celinta Biyaha Badda Somalia ee uu muranka ka taagan yahay.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay arrinta badda u gudbisay Maxkamadda Caalamiga, waxa uuna sheegay inay ka dhowr sugayaan Jawaabta Maxkamada kasoo bixi doonto.

Isaga oo Arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Baarlamaanka DF Somalia waxaan ugu baaqayaa in ay Kaalintooda ka qaatan arrinta la xiriirta Badda, waayo Baarlamaankii KMG ahaa ayaa diiday in Baddeena la Boobo,waxaan ka filayaa Kuwaana in sidoo kale ay noqdaan”
Dhanka kale, Haddalka Xeer ilaaliyaha ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo Bilo ka hor ay DF Somalia dacwad ka dhan ah dowlada Kenya u gudbisay Maxkamadda Cadaalada ee Qaramada Midoobay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News