30.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Muxuu yahay hadalka madaxweyne Xasan ka soo yeeray ee qabsaday warbaahinta Itoobiya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Itoobiya ayaa si weyn u tebinaysa hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ku ammaanay Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD), kuna tilmaamay mashruuc isbeddel weyn u horseedi kara Geeska Afrika.

Hadalka Madaxweyne Maxamuud ayaa soo jiidanaya dareenka, mana ahan oo keliya nuxurkiisa darteed, balse sidoo kale saameyntiisa siyaasadeed ee uu leeyahay, marka la eego isbahaysiga sii xoogeysanaya ee Soomaaliya la leedahay Masar—oo ka mid ah dalalka ugu adag ee sida weyn uga soo horjeeda biyo-xireenka GERD.

Wareysi uu dhowaan siiyay telefishinka Al-Arabiya ee fadhigiisu yahay Sacuudi Carabiya, ayuu Madaxweyne Xasan ku qeexay biyo-xireenka GERD inuu yahay mashruuc aasaas ahaan loogu talagalay in lagu dhaliyo koronto. Wuxuu ku sheegay in korontadu ay tahay “mid horumarka aan looga maarmi karin,” isagoo ku dooday in dhinacaas marka laga eego, uu biyo-xireenku yahay “guul.”

Hoggaamiyaha Soomaaliya wuxuu farta ku fiiqay in Itoobiya ay durba koronto u dhoofiso dalalka Kenya, Suudaan, iyo Jabuuti, isagoo biyo-xireenka GERD ku sifeeyay mid ah guul qaran iyo sidoo kale horseed u noqon kara isdhexgalka iyo kobaca dhaqaalaha gobolka.

Biyo-xireenka GERD, oo laga dhisay Webiga Niilka Buluugga ah ee deegaanka Benishangul-Gumuz ee dalka Itoobiya, kuna dhow xudduudda Suudaan, ayaa ah mashruuca koronto-biyoodka ugu weyn qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgalay xafladdii furitaanka rasmiga ahayd ee dhacday Sebtembar 9, 2025, isagoo garab taagnaa madax kale oo Afrikaan ah—arrintaas oo warbaahinta Itoobiya ay si weyn u iftiimisay, kuna tilmaantay tallaabo muujineysa taageero ballaaran oo heer qaaradeed ah.

Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay sida ay Itoobiya diyaar ugu tahay inay wada-hadal la gasho waddamada ka walaacsan saameynta biyo-xireenka, isagoo carrabka ku adkeeyay in wada-hadallo wax-ku-ool ah ay xaqiijin karaan in faa’iidooyinka la wadaago oo la xoojiyo iskaashiga gobolka.

Miisaanka ammaanta Madaxweyne Xasan waxaa sii weyneynaya iskaashiga sii dhowaanaya ee Soomaaliya la leedahay Masar, oo si joogto ah uga soo horjeedday biyo-xireenka GERD. Dowladda Qaahira waxay ku adkeysaneysaa in mashruucan uu halis gelinayo sugnaanta biyaha ee dalalka webigu hoos u maro, waxayna muddo dheer dalbaneysay heshiis sharciyad ku dhisan oo ku saabsan sida Itoobiya ay u buuxineyso una maamusho keydka biyaha. Saraakiisha Masar ayaa ka digay in tallaabooyinka kasta oo hal dhinac ah ay khatar gelin karaan sahayda biyaha Niilka oo nolosha dalkooda muhiim u ah.

Xaaladdan marka la eego, in madaxweynaha Soomaaliya uu si fagaare ah ugu yeero biyo-xireenka “guul” waxay muujineysaa aragti aad uga duwan mowqifka Masar. Warbaahinta Itoobiya ayaa si weyn u qaadaa-dhigtay hadalkan, iyagoo taageerada Madaxweyne Maxamuud u soo bandhigay astaan caddeyn u ah in gobolka uu si ballaaran u aqbalay mashruuca.

Dhankooda, mowqifka Soomaaliya wuxuu muujinayaa in xitaa dal xulufo la ah Masar uusan biyo-xireenka u arag mid amni-darro horseedaya, balse uu u arko mid horseed u ah horumar iyo midnimo ka dhalata guud ahaan Geeska Afrika.

Iyadoo buunbuunineysa hadalkiisa, waxay Itoobiya dooneysaa inay ku xoojiso aragtideeda ah in biyo-xireenka GERD uu yahay wax aad uga weyn guul qaran—balse uu yahay guul ay wadaagaan guud ahaan qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News