27.9 C
Mogadishu
Friday, October 10, 2025

Muxuu yahay nidaamka cusub ee ay dhisayaan DF iyo saaxiibada caalamka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa ka wada shaqeynaya dhismaha nidaam digniinaha, si loo helo nidaam qaran oo isku dhafan oo awood leh.

Shirkii ugu horreeyay ee lagu dhisayo Madasha isku-xirka nidaamyada digniinaha hore ee khatarta badan ee Soomaaliya ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo qaban-qaabisay hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka Soomaaliyeed (SODMA).

Shirkan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa ka soo qayb-galay hay’adaha dowladda, ururrada caalamiga ah iyo daneeyayaasha ka shaqeeya digniinta hore iyo maareynta musiibooyinka.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd in la mideeyo nidaamyada kala duwan ee bixiya digniinaha hore, si loo abuuro nidaam qaran oo isku dhafan oo awood u leh ogaanshaha, ka hortagga iyo jawaab degdeg ah oo lagu maareeyo khataraha iyo musiibooyinka soo food saara dalka.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo xiray shirka, isagoo uga mahad-celiyay dhammaan ka qayb-galayaasha dadaalkii ay muujiyeen iyo ansixinta nidaamka isku-xirka nidaamyada digniinaha hore ee khatarta badan ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay shirkan tallaabo taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraysa dhismaha nidaam casri ah oo qaran, kaas oo gacan ka geysan doona yareynta halista musiibooyinka, korna u qaadi doona awoodda dalka ee u diyaar garowga degdegga ah.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha dowladda, daneeyayaasha iyo bahda caalamiga ah ee gacan ka geystay hirgelinta iyo ansixinta nidaamka isku-xirka. Tani waa guul wadajir ah oo u horseedi doonta Soomaaliya mustaqbal adkeysi leh,” ayuu yiir Guddoomiyaha hay’adda SODMA.

Sidoo kale wuxuu ku boorriyay dhammaan daneeyayaasha inay sii xoojiyaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta si loo hirgeliyo nidaamka cusub, loona hubiyo in fariimaha digniinta hore ay si hufan u gaaran bulshada Soomaaliyeed.

“Wada-shaqeyn iyo mideynta dadaallada qaranku waa furaha lagu gaari karo Soomaaliya adkeysi leh oo u diyaarsan la tacaalidda khatar kasta oo soo food saarta,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud Macalin.

- Advertisement -

Read more

Local News