Muxuu yahay qorshaha socdaalka uu Jawaari ku tegay Baydhaba maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay gaaray guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo ay kaga hortageen garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Guddoomiyihii baarlamaanka ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo in masiirka shacabka Koonfur Galbeed uu ku jiro gacanta xildhibaanada baarlamaanka, ayna xor u yihiin inay doortaan cidda ay doonaan.

7 Maalin kadib waxaa magaalada Baydhabo ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo guddiga doorashada aysan wali bilaabin qabashada araajida musharixiinta Koonfur Galbeed.

Socdaalka Jawaari ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiro doorashada, waxaana waxana soo baxaya inuu kulamo la qaadan doono xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed. ma cadda musharaxa uu taageersan yahay.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com