Muxuu yahay UJEEDKA jawaabta ay Al-Shabaab ka bixiyeen qoraalkii NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay hadalka kasoo yeeray Al-Shabaab oo jawaab ka bixisay qoraalkii NISA, islamarkaaana beenisay inay damacsan tahay weeraro ka dhan ah madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Ismaaciil Daahir ayaa shaaca ka qaaday inuu ujeedka kooxda kaliya ahaa inay caddeyso in uusan run aheyn warka ay qortay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

“Ujeedkooda waxa uu aheyd inay bayaamiyaan warka ay qortay NISA uusan aheyn war run ah,” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA,” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Iyadoo labada xafiis ay ciidamo ku kala dhex jiraan haddana waxaa moodaa in amnigii dalka uu dayac yahay,”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday xaaladda doorashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in ra’iisul wasaaruhu uusan dhameystiri karin doorashada socota, taasina ay kaga faa’iideysaneyso Villa Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha ma qaban karo doorasho nabdoon, haddii usan amniga gacanta ugu jirin, waana mida aan isleeyahay inay kaga faa’iideysaneyso Villa Soomaaliya inay ku qal-qal geliso arrimaha doorashooyinka, si muddo kororsigii halka sano iyo xoogaaga socday'” ayuu markale yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Al-Shabaab ay beenisay inay qorsheynayso weerar ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sidoo kalena iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay shakhsi ay horay hey’addaasi magaciisa u shaacisay in uu weerarkaasi qorsheynayo.