28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay degmada Beledxaawo

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo, oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee si weyn looga yaqaanay gobolka Gedo, ayaa lagu dilay magaalada Beledxaawo.

Dilka waxaa geystay rag hubeysan oo aan la aqoonsan, kuwaas oo xalay markiiba ka baxsaday goobta. Nabadoonka ayaa sidoo kale ka tirsanaa golaha guurtida degmada.

Ilo amni ayaa sheegay in weli aan la ogaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka Nabadoonka, hase yeeshee ciidamada ammaanka degmada Beledxaawo ayaa bilaabay baaritaanno ku saabsan kooxdii falka geystay.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo, Shire Cabdul Keynan, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo bulshada magaalada, isagoo ku tilmaamay Nabadoon Buurdhuubo inuu door muhiim ah ku lahaa nabadaynta gobolka, gaar ahaan Beledxaawo.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Allaha u naxariisto Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo, oo gacan ka xaqdaran ku dishay degmada Beledxaawo. Wuxuu ahaa shaqsi muhiim ah kana tirsanaa golaha guurtida degmada,” ayuu yiri guddoomiye Shire Cabdul Keynan.

Wuxuu intaas ku daray in geerida Nabadoonka ay tahay khasaare weyn oo soo gaadhay bulshada deegaanka, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska iyo shacabka deegaankana siiyo samir iyo iimaan.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Gedo uu wali ka taagan yahay xaalad siyaasadeed iyo amni oo cakiran, taas oo ka dhalatay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, iyo sidoo kale weerarro ay fuliyaan kooxo hubeysan.

- Advertisement -

Read more

Local News