27.4 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Nabadoon Cabdi Hayaan oo xalay lagu dilay dagaal ay ciidanka Puntland la galeen…

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo Daacish.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa ka qarxay halka lagu magacaabo Togga Walisoor ee gobolka Bari, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil u hadashay Puntland ayaa guul ka sheegtay dagaalkan, waxaana ay shaaciyeen in ay khaarijiyeen xubno ka tirsanaa Daacish, ayna sidoo kale qabsadeen halka lagu diriray.

Sidoo kale waxaa jira khasaare ay dagaalkan kala kulmeen ciidanka Puntland, waxaana illaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada Nabadoon Cabdi Hayaan oo kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka ee ku biiray howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Calmiskaad.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Puntland Maxamed Baari Shire ayaa qoraal uu soo saaray ugu tacsiyeeyay ehellada marxuumka iyo guud ahaan reer Puntland, wuxuuna tilmaamay in Nabadoonka uu ahaa nin geesi ah oo dagaal adag galay.

“Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdi Hayaan oo Ku Shahiiday Dagaalka Xaqa ah ee aan kula Jirnay Kooxaha firxadka ah Argagixisada Daac1sh Ee Dalkeena Kusoo Duulay. AUN Nabadoonku waxa uu ahaa nin geesi ah, Waana nabadoonkii ugu horeeyey ee intuu koofiyada dhigay tuutaha xirtay bilowga dagaalka ilaa & haatana ku sugnaa jiidaha hore ee Dagaalka ,Wuxuuna nabadoonka ku taamayay maalin un in cadowga shisheeye ee kusoo duulay dhulkeena la iska dulqaado isagoona ugu dambayn ku shahiiday dagaal xalay ka dhacay toga Walisoor.” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada DPL.

Waxaa kale oo uu kusii daray ” Puntland ayaa tilmaamtay in ay sii xoojinayso howlgallada ka dhanka ah Daacish oo wajigii saddexaad maraya, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan sheegay in ay u baahan yihiin in lagu garab istaago howlgalladaan si loosoo afjaro”.

Xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ayaa weli kacsan, waxaana ciidanka difaaca Puntland ay sii wadaan howlgallada xoreynta ee ka socda buuraha Calmiskaad.

Dagaalka Puntland oo maraya wajigiisa saddexaad ayaa haatan lasii xoojiyay, waxaana dhawaan maamulka uu sheegay inuu u baahan yahay in lagu garab istaago howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka dhaca dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad.

- Advertisement -

Read more

Local News