Nabadoon XIRSI Cali Diirshe oo lagu dilay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen qaybo kamid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Xirsi Cali Diirshe, kaas oo kamid ahaa waxgaradaka deegaanka.

Nabadoonka ayaa xilliga la dilayey kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday, wuxuuna kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla isla degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay goobta isaga baxsadeen, kadib falkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Nabadoonka ayaa kasoo jeeda Beesha Reer Xaaji Saleebaan, waxaana dilkiisa uu la xiriiraa beegsiga ay haatan Al-Shabaab ku heyso Beeshaas oo kula dagaalantay  Galgaduud.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay howlgallo kooban, balse ma jiro wax hadal ah oo ay kasoo saareen dilka Nabadoonka.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee maalmihii u dambeeyay ka dhacayey gudaha caasimadda, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.