27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Nairobi: Xildhibaan Kenyan ah oo toogasho lagu dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho loo gaystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya oo xalay ka dhacday gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Xildhibaan Charles Ong’ondo ayaa lagu dhex dilay bartamaha magaalada, isaga oo ku dhex jiray baabuurkiisa, isla markaana marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Nairobi.

Charles Ong’ondo ayaa xilliga dilay waxyar uun kahor ka baxay xarunta baarlamaanka, waxaana weeraray laba nin oo hubeysan, kadibna ku baxsaday mooto Fekon ah.

Labada nin ayaa eryaday xildhibaanka, iyaga oo rasaas ku furay, taas oo keentay inuu meesha ku geeriyoodo, sida ay ay sheegeen laamaha ammaanka ee dalka Kenya.

Sidoo kale, waxaa toogashada ka bad-baaday darawalka xildhibaanka, waxaana haatan socda baaris ay wadaan ciidamada booliska, si loo soo qabto dambiileyaasha.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa dilka xildhibaanka iyo waxa ay haayeen ragga toogtay ee cararay, kuwaas oo ay baadi goobayaan booliska Kenya.

Xildhibaanka la dilay ee Charles Ong’ondo ayaa ka tirsanaa xisbiga siyaasiga rug cadaaga ah ee muddada dheer mucaaradka ah ee Raila Odinga, kaas oo si weyn u cambaareeyay dilka.

Kenya ayaa waxaa ku badan beegsiga siyaasiyiinta sar sare iyo xildhibaannada oo inta badan la kulmo, dil, dhaawac, hanjabaadyo iyo afduub, waxaana ugu dambeeyay kiiska Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka tirsan golaha deegaanka Dela ee Ismaamulka Wajeer, kaas isna oo horay loogu afduubtay waddada Enterprise ee magaalada Nairobi.

Yuusuf Xuseen oo muddo lix bilood ah la la’aa mar dambe, xilli habeen si lama filaan ah loogu soo celiyey gurigiisa, waxaana gaari ku geeyay rag wejiga duubtay.

Weli su’aalaha ugu waaweyn ee taagan ayaa ah; Yaa ka dambeeya weerarada lagu hayo xildhibaannada iyo siyaasiyiinta caanka ah ee waddanka Kenya, Maxaase loo beegsadaa? Su’aalahaas ayaan weli jawaabo rasmi ah looga helin gudaha dalka Kenya.

- Advertisement -

Read more

Local News