25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Mareykanka oo duqeymo culus ka fuliyay Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahisay hawlgal duqeymo ah oo ay todobaadkan ka fulisay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga Baallade oo ka tirsan degmada Boosaaso.

Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in la soo gaba-gabeeyay hawl-gal muddo laba toddobaad socday, kuwaas oo ahaa weerarro qorshaysan.

Weerarradan ayaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumanayeen hoggaanka Daacish ee ku sugan buuraha Golis oo dhaca gobolka Bari ee Puntland.

“Duqeymahan dilaaga ah waxay muujinayaan sida ay nooga go’an tahay xaqiijinta in muwaadiniinta Mareykanka iyo saaxiibadeennu ka badbaadaan khatarta argagixisada caalamiga ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika Gen. Dagvin Anderson.

Gen. Anderson oo ka warbixiyay hawl-galkaasi, ayaa tilmaamay in ay muhiim u tahay badbaadinta shacabka iyo amniga gobolka.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu hambalyeeyay ciidamada Mareykanka iyo saaxiibadooda Soomaalida ah, gaar ahaan ciidanka Puntland.

Waxa uu ku amaanay in ay dejiyeen hal-beeg fulineed oo si wacan loo qorsheeyay oo wadajir ah, kaas oo ka dhan ah kooxaha doonaya in ay argagixisada u soo dhoofiyaan Mareykanka iyo shuraakadiisa.

Mareykanka ayaa fuliyay in ka badan 50 duqeyn gudaha Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadka 2025, taasoo ah tirada ugu badan ee hawl-gallo noocan oo kale ah ee Soomaaliya laga fuliyo sanad gudihiis, sida uu qoray wargeyska Stars and Stripes,

- Advertisement -

Read more

Local News