Muqdisho(Caasimada Online) – Xildhibaanaada baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay maanta ku dhamaaday buuq , kadib markii maanta xildhibaanada ay soo xaadireen kalfadhiga ay isgu yimaadeen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa buuq ka kiciyay kulanka maanta ay isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo la doonayay in xildhibaanada loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa labo jeer ka baxay kulanka baarlamaanka kadib markii uu u adkeysan waayay buuqa ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ka sameeyeen xarunta golaha shacabka.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ay horay ugu tashadeen inay buuq ka kiciyaan kulanka maanta oo xildhibaanada lagu wargeliyay habeenkii xalay ahaa.
Gudoomiyaha baarlmaanka ayaa markii dambe la sheegay inuu ku qasbanaaday inuu iska xiro kulanka oo uu ugu yaraan seddex jeer banaanka kaga baxay, markii buuqa laga kiciyay xarunta golaha shacabka.
Lama cayimin goorta ay dib u kulmi doonaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la qorsheyay in xildhibaanada la siiyo muddo seddex maalin ah si ay u eegeen mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]