28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Netanyahu oo shaaciyay sababta ay aqoonsiga u siiyeen Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benyamin Netanyahu oo xalay la hadlay Telefishinka Newsmax ee ku yaalla dalka Mareykanka ayaa bixiyay wareysi dhanacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso aqoonsiga ay siiyeen Somaliland.

Waxyaabaha kale ee laga wareystay waxa ka mid ahaa nabadda Qasa iyo hub-ka-dhigista Xamaas, xiisadda ka dhaxaysa Israa’iil iyo Iiraan iyo arrimo kale.

Netanyahu oo ka jawaabaya aqoonsiga Somaliland ayaa yiri: “Hagaag, Somaliland waxay leedahay 6 milyan oo muwaadiniin ah. Waa Muslimiin casri ah. Waxay rabaan in ay ku biiraan heshiisyada Abraham, waxaan u maleynayaa taas waa wax wanaagsan. Waa dimuqraadiyiin, waxay sameeyeen doorashooyin.”

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay: “Soomaaliya inteeda kale waa mid isku dhafan. Waxa ka jirta argagixisada Shabaab. Ma agranayo goortii ugu dambaysya ee doorasho dhab ah ay qabtaan. Malaha waa tobannaan sano. Argagixiso badan ayaa halkaas imanaya”.

Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay noqotay ciddii ugu horreeya ee aqoonsata Soomaaliland, isaga oo ku dooday in Somaliland ay tahay dal dimuqraadi ah oo u diyaarsan in ay Israa’iil nabad la qaadato.

Sidoo kale wuxuu in Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Soomaaliland, isaga oo tallaabadan ku tilmaamay taageero uu u fidinayo “dal Muslim ah oo dhex-dhexaad ah, dimuqraadi ah” oo doonaya in uu xiriir dhow la yeesho Israa’iil iyada oo loo marayo heshiisyada Abraham.

Waraysigan gaarka ah, waxa uu Netanyahu ku sheegay in hoggaaminta iyo nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliland ka jira uu ka duwan yahay waxa ka socda Soomaaliya inteeda kale oo uu ku sifeeyay mid aan xasilloonayn oo ay ka jiraan argagixiso.

Su’aasha la weyddiiyay ayaa u dhignayd sidan: “Waxaad aqoonsatey Somaliland. Waxaad ahayd dalka ugu horreeya ee sidaas sameeya. Waxaan eegay halka ay ku taallo iyo wax yar oo taariikhdeeda ka mid ah. Maxaa kugu riixay arrintaas?

 Benyamin Netanyahu oo ka jawaabaya ayaa yiri: “Hagaag, Somaliland waxay leedahay 6 milyan oo muwaadiniin ah. Waa Muslimiin casri ah. Waxay rabaan in ay ku biiraan Heshiisyada Abraham, waxaanan u maleynayaa taas waa wax wanaagsan. Waa dimuqraadiyiin, waxay sameeyeen doorashooyin.”

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay: “Soomaaliya inteeda kale waa mid isku dhafan. Waxa ka jirta argagixisada Shabaab. Ma agranayo goortii ugu dambaysya ee doorasho dhab ah ay qabtaan. Malaha waa tobannaan sano. Argagixiso badan ayaa halkaas imanaya”.

Ugu dambeyn wuxuu ku dooday in Somaliland ay tahay ‘dal dimuqraadi ah’ oo u diyaarsan in ay Israa’iil nabad la qaadato.

- Advertisement -

Read more

Local News