Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dil ka dhacay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir, waxaana dilka ka dambeeyay kooxo hubeysan oo ka baxsan halka falka uu ka dhacay.
Dilka ayaa ka dhacay Afar irdoodka Xamarweyne, waxaana la sheegay in goobta lagu dilay Nin dharka Huudheyda ku iibin jiray degmada Xamarweyne, kaasi oo dadka deegaanka si weyn ay u yaqaaneen.
Ninka la dilay ayaa meydkiisa laga qaaday goobta uu falka ka dhacay, iyadoo la sheegay in muddo kooban uu goobta yaalay, waxaana baxsaday kooxda falka dilka ay geysatay, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.
Magaalada Muqdisho ayaa waxa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan ay geysanayaan Ragga ku hubeysan Bastooladaha.
Dhawaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo loo qorsheeyay inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho, waxaana wali jirin cid loosoo qabtay dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

