Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Maamul-goboleedka Jubbaland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu shalay wiil yar ku gowracay gudaha degmada Dhoobley, isaga oo dhaawacay mid kale.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in haatan lasoo xiray eedeysanaha, isla markaana si deg-deg ah loo horeyn doono Maxkamad.
Eedeysanaha ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Jeelle Maxamed Cismaan, waxaana sawirradiisa lagu baahiyay baraha bulshada, isaga oo gacanta ugu jira Booliska.
Ninkan ayaa gelinkii dambe ee Axaddii xaafadda Danwadaag ee degmada Dhoobley ku gowracay wiil yar oo 14 sano jir, halka uu dhaawacay mid kale, waxaana carruurta ay xilligaas ka yimaadeen Dugsi Qur’aan, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Xaafadda uu falku ka dhacay ayaa waxaa dagan dadka barakacayaasha ah iyo qoysaskii kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.
Dhacdooyin lamid ah dhacdadan ayaa horay uga dhacay meelo kala duwan oo kamid ah dadlka, waxaana ugu dambeysay magaalada Hargeysa kadib markii aabbe uu gubay afar caruur ah oo uu dhalay.
Sida uu sheegay Taliska Ciidanka Dab-demuska Somaliland, Aabahan ayaa caruurta ku gubay guri jiingada oo ku yaala xaafada October ee degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.
“Aabaha caruurta dhalay ayaa dabka qabadsiiyay caruurta, waxaana aabaha iyo hooyada caruurta dhashay ka dhaxeeyay khilaaf, iyagoo iskula jiray maxkamada,” ayaa lagu yiri qoraalka dab-demiska.
Dhacdooyinkan ayaa gililay bulshada, iyadoo si xoogan ay uga hadleen culimada, madaxda deegaanka iyo ururrada bulshada, kuwaas oo ku baaqay in la adkeeyo tallaabooyinka sharci ee ka hortagga rabshadaha qoyska, si aysan usoo laaban dhacdo noocaan ah.


