Nin hubeysan oo dad ku sugnaa xaflad aroos ah ku rasaaseeyey Caabudwaaq

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacday goob ay ka socotay xaflad aroos ah oo ay isugu yimaadeen shacab ku dhaqan duleedka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in nin hubeysan uu rasaas ku furay dadweyne ku sugnaa guri uu ka jiray Aroos oo ku yaalla deegaanka Qoolaali oo hoostaga magaaladaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo xaqiijiyey in ugu yaraan 1 qof uu ku dhintay falkaasi, ayada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale oo ka mid ah dadkii ku sugnaa xafladda arooska ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninka hubeysan uu ka baxsaday goobta, kadib markii uu mar qura rasaas ooda kaga qaaday dadkii ku sugnaa halkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhacdadaan ayaa salka ku heysa muran ka dhashay arooska, waxaana la sheegay inuu jiray xifaaltan dhanka arooska ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Galmudug ayaa goobta gaaray, kuwaas oo haatan wada howlgallo lagu baadi goobayo ninka weerarka geystay oo baxsad ah.

Dhacdadaan ayaa la yaaab ku noqotay dadka deegaanka, ayada oo xafladdii arooskana ay isku bedeshay goob murugo ah, maadaama ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.

Caabudwaaq ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal iyo weeraro ay geystaan maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan degmadaas iyo deegaannada hoos yimaada ee gobolka Galgaduud.