Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa shir uu soo abaabulay Madaxweynaha JFS Xasan Sh. Maxamuud maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirka oo ujeedkiisa ahaa in la isku hortaaga Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor ayaa waxaa ka qeyb galkiisii qaadacay bahweynta muddulood, iyadoo halkaa aay tageen oo kaliya odayaal meesha loogu qeybiyay 20 doollar.
Waxaa aay dad badani is weydiinayaan waxa ku qasbay in Madaxweyanaha JFS uu soo fara gashto boqor aay magacowdeen beesha Wacaysle. Waxaa la wada og yahay in Xasan Sheekh iyo Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor aay ka dhexeyso xurguf. Madaxweynaha ayaa raba in uu shaqsi uu jidka ka soo qabsaday u magacaabay boqorka beesha waceysle sida aay caasimad online u xaqiijiyeed oday dhaqameedkii soo jiraanka ahaa ee beesha mudulood.
Waxaay ahayd maalmo ka hor markii aay beesha Waceysle u dabaaldegeen caalama saarkii Boqor Cabdulaahi Geedi Shadoor.
Nin Jufadiisa burburinaayo ayaan ka sugeynaa in uu qaran Soomaaliyeed dhiso, ayuu yiri mid ka mid ah oday dhaqameedka beesha Waceysle.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]