Nin kufsaday gabar Soomaaliyeed maxaa lagu aamini karaa?

Ma ciidanka dawladbaa mise waa cadawga dawlada?

Marka dhagahaagu kusoo dhacaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaad dareemaysaa farxad, waxaad dareemaysaa kalsooni, waxaad dareemaysaa neecow gobanimo,

Waxaad dareemaysaa awood aad ku kalsoonaan karto oo kaa difaaci kara cadawga umada Soomaaliyeed, rag fara badan oo sharaf badan bulshada ku dhex lahaa kana tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,ayaa u naf waayay difaaca sharafta iyo karaamada umada Soomaaliyeed, burburkii ku yimid kow iyo sagaashankii ciidamadii qaranka wuxuu nabaday, dhibaatooyin badan oo aan lasoo koobi karin, umada Soomaaliyeed mar walba waxaa laabtooda ku taagnaa in ay helaan ciidan qaran oo badbaadin kara sharaftooda umadnimo.

Runtii askariga dhabta ah ee xalaal quudadka ah wuxuu qabtay howl dhaxal gal ah, maalin walbana dhaayuhu waxeey arkaan ama dhaguhu maqlaan, horumar balaaran oo ay gaareen ciidamada qaranka, bad dhanse waxaa qurmiya hal kaluun ah, taasoo macnaheedu yahay, kuwo fara kutiris ah ee haybadii iyo karaamadii ciidanka ka door biday, bililiqaysi iyo kufsi, kuwaasi ma garan karaan xilka dhabarka u saaran iyo sida ay u gudan lahaayeen.

Waxaan u sheegi lahaa ninka sheeganaaya ciidan qaran hadana fara xumeeynaaya gabar Soomaaliyeed, walaashiis, hooyadiis, inanta uu dhalay iyo tii u dhixi lahaydba wuxuu baday ciil wuxuuna u gooyay xeer aad u xun mana mudna in laguugu sheego xooga dalka, waayo magacaas waxaa qaadan kara qof xalaal ah.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan ciidamada qalabka sida in ay u istaagaan,sideey isaga dhex qaban lahaayeen la harka magacooda iyo mansabkooda dilaaya, isla markaana u arkaan cadowga ugu wayn oo ay leeyihiin midkaas aan iimaanka lahayn.

Hadaase iska qaban weeydaan oo aad dhowrataan dhiigiina daadanaaya ee aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina, wuxuu noqon doonaa mid iska daata oo aydaan wax sharaf ah ku heli doonin, waa ineey idin dhibtaa hadalka xanuunka badan ee ah ciidamada dawladaa gabadh Soomaaliyeed kufsaday, wax aad qadan kartaan yay noqon.

Waxaan ugu baaqayaa dawlada cusub ee Soomaalieed, in ay gacanteeda koowaad saarto, cadawga gudaha, ee bulshada gudaheeda ku dhex wada bililiqada iyo kufsiga. Tan labaadna kuwa diidan in ay Soomaaliya dawlad yeelato, waayo kaas wuxuu dilaayaa karaamadiina iyo sharaftiina, hadii aan maqalno ciidamada qarankaa magaaladaas qabsaday, waxaan dareemaynaa in dawladu qabsatay magaalo hor leh, hadiise aan maqalno ciidamada dawladaa gabar kufsaday, maxaan u qaadanaa?. Waxaan idinkula talinaayaa in aad xooga saartaan difaaca shacabka, oo aad aad uga xanuunsataan waxa uu falaayo damiir laawaha.

Ciidan dawladeed ma aha waa cadawga dawlada. Wax lagu aamini karana mal aha kan kufsanaaya gabdhaha Soomaaliyeed. Hadaba waxaan ka codsanaynaa dawlada Soomaaliyeed doqnada wax magaradka ah in ay ka qaado talaabo aad u xanuujisa.

Waxaan codsanaayaa in la, iga cafiyo wixii qalad ah ee iga dhacay, ogoow waxaan ahay wanaag doon.
W/Q: Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur nasri2014@hotmail.com