SOOMAALI uu Mareykanka dul-dhigay hal milyan oo lagu qabtay dalka KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigay Cabdi Xuseen Axmed (Abuu Khaadi) oo ah nin Soomaali ah, kaas oo uu muddo raadinayey Mareykanka.

Waaxda dambi-baarista ee dalka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa sheegay in Cabdi oo baxsad ahaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada la dagaallanka dambiyada halista ah, kadib xogo ay ka heleen halka uu ku sugan yahay.

Sidoo kale laanta dambi-baarista Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ninkaan xilliga lasoo qabanayey uu qorsheynayey inuu u socdaalo ama usii gudbo dhanka Soomaaliya.

Abuu Khaadi ayaa waxaa horey lacag dhan hal milyan oo Dollar madaxiisa u dul-dhigtay dowladda Mareykanka, lacagaas oo loo ballan-qaada cid kasta oo keenta xogtiisa.

Sidoo kale waxa ay soo qabashadiisa timid, kadib markii laba bil kahor lasoo qabtay nin kale oo ay isla shaqysanayeen oo la yiraahdo Badru Cabdul Casiis Saalax, kaas oo isna gacanta lagu dhigay 31-kii bishii May ee sanadkan 2022-ka.

 Cabdi Xuseen Axmed (Abuu Khaadi) ayaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin kala gudbinta daroogada iyo xayawaan duur joog ah, sida lagu sheegay bayan kasoo baxay DCI.

Ninkaan Soomaaliga ah ayaa wajihi doono ciqaab adag oo xabsi ah, haddii lagu helo dambigaan, ayadoo Kenya ay ku wareejineyso Mareykanka oo uu muddo ka baxsanayey.