Galdogob (Caasimada Online) – Booliska Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu habeenkii Arbacada degmadaas ku dilay hooyadii iyo xaaskiisa.
Taliska Saldhigga Booliska Degmada Galdogob ayaa sheegay in ciidamadu soo xireen eedeysane Cismaan Maxamuud Cali, kaas oo loo haysto inuu degmadaas ku dilay hooyadii dhashay oo lagu magacaabi jiray Xaawo Cabdille Faarax iyo xaaskiisii Farxiya Maxamed Xirsi.
Taliska ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in eedeysanaha, oo hadda ku jira gacanta booliska, la horkeeni doono sharciga.
“Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana u gudbin doonnaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri warka booliska.
Garaad Cumar Cabdille Faarax, oo la dhashay Xaawo Cabdille Faarax, isla markaana abti u ah eedeysanaha, ayaa sheegay in ninkaasi uu dhimirka ka xanuunsanaa.
“Waalli iyo xanuun hayay iyo sababo isbiirsaday ayay arrintaasi ku timid. Way nagu dhacday, wayna nagu dhacday,” ayuu yiri Garaad Cumar Cabdille oo ka murugeysan dhibka soo gaaray qoyska.
“Dhacdadu xaafaddii ay deganaayeen bay ka dhacday,” ayuu yiri Garaad Cumar Cabdille, isagoo intaas ku daray in ninkaasi uu dilka u adeegsaday qori, balse uusan sheegin halka uu ka keenay qorigaas.
Garaad Cumar ayaa xusay in ninkaasi uu ahaa aabe ay sideed carruur ah u dhashay marxuumad Farxiya Maxamed Xirsi, taas oo uu sheegay in geerideeda ay gacantiisa ku timid.
Falkan ayaa argagax geliyay dadka reer Galdogob, kuwaas oo si weyn u hadal haya dhacdadaas.
Dhacdooyinka naxdinta leh ayaa muddooyinkan si aad ah ugu soo badanayay magaalooyinka iyo deegaanada Soomaalida.

