26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

NIRA oo si rasmi uga shaqo bilowday SSC iyo Firdhiye oo noqday qofkii u horreeyay ee…

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Xarunta cusub ee Hay’adda Diiwaangelinta Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA) ayaa maanta si rasmi ah looga daah-furay magaalada Laascaanood er xarunta maamulka KMG ee SSC-Khaatumo.

Xaruntan oo uu maanta xariga ka jaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee laga furo gobollada waqooyi.

Xaruntan ayaa bulshada deegaanka u qaban doonta adeeg muhiim ah, iyaga oo ka heli doona Kaarka Aqoonsiga Qaranka (National ID), waxaana ay ka baaqsan doonaan safarro dheer oo ay adeeggaan ugu aadi lahaayeen meelo kale.

Qofkii ugu horreeyay ee lagu diiwaan-geliyo xarunta Laascaanood ee NIRA ayaa noqday hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye.

“Qofka muwaadinka ah waa in la diiwaan-geliyaa oo uu aqoonsi helo, waana qodob Dastuuri ah. Marka xaqiiqdaas ayaa ka dhalatay in reer Khaatumo laga hirgeliyo adeeggan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayay munaasabadda xarig-jarka xaruntan muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku sii daray: “Xarig-jarka xaruntan kadib, waxaan maanta ku faraxsanahay in Madaxweynuhu noqdo qofkii ugu horreeyay ee la diiwaan-geliyo.”

Aqoonsiga Qaranku waa xaq Dastuuri ah oo muwaadin kasta uu xaq u leeyahay, si uu u helo aqoonsi qaran iyo diiwaangelin. Waana saldhigga horumarka uu qaranku hiigsanayo.

Xukuumadda Dan-Qaran oo fulinaysa waajibkaas, ayaa dib u yagleeshay Aqoonsi Qaran oo dhijitaal ah, xogtiisuna sugan tahay.

- Advertisement -

Read more

Local News