Norway miyaa madaxweyne Farmaajo taallo uga dhiseysa garoonka Stadium Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal hayn xooggan ayaa ka dhalatay qoraal uu barta twitter-ka soo dhigay Wakiilka Hay’adda Taageerada Caalamiga ee Norway ee NIS u qaabilsan Soomaaliya Qaasim Gaaboow Ducaale oo lagu sheegau inay taallo u dhisayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka oo markii dambe laga saaray Twitter-ka ayuu wakiilka ku sheegay in taalladda madaxweyne Farmaajo laga dul dhisi doono dusha sare ee qeybta shakhsiyaadka muhiimka ah (VIP) ee Stadium Muqdisho.

“Waa madaxweynaha Jamhuuriyada. Hada weliba Taala ayaan uga dhiseynaa meesha VIP-da korkeeda – seriously (Waa iga dhab),” ayuu yiri Qaasim Gaaboow.

Saraakiil ka tirsan hay’adda NIS oo mar dambe la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qoraalka uu ahaa mid kaftan ah oo aan loogu talo-gelin, islamarkaana aysan jirin taallo ay Norway ay dhiseyso.

Sidoo kale, safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter-ka ku sheegtay inay been tahay in Norway ay taallo u dhiseyso madaxweyne Farmaajo.

Hay’adda NIS oo Soomaaliya mashaariic badan ka fulisay waxay maamushaa deeqo inta badan ka yimaada dowladda Norway iyo qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub oo deeqaha ay Soomaaliya ku bixinayaan soo mariya.

Muwaadiniin badan ayaa horey baraha bulshada kaga falceliyay adeegsiga kooxda olelaha madaxweyne Farmaajo ee shaashadda Stadium Muqdisho oo si joogta ah loogu soo bandhigo sawirkiisa oo weyn xilliyada ay socdaan ciyaaraha. Dayactirka garoonkan waxaa gacan ka geystay hay’adda NIS.

“Shaashadda garoonka Stadium Mogadishu ee loogu talo galay in saacadda iyo natiijada ciyaarta lagala socdo ayaa mararka qaar la soo saaraa Sawirka Farmaajo” ayuu Twitter-ka ku soo qoray Cabdullaahi Axmed oo ku lifaaqay sawir arrinkan muujinaya.