New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada New York ayaaย khudbad ka jeediyey dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kaga arrinsanayeen tiknaloojiyadda casriga ah iyo saamaynta ay ku leedahay ammaanka caalamka.
Xasan Sheekh ayaa madasha ka sheegay in garaadka macmilka ah uu yahay xaqiiqo casri ah oo si degdeg ah u beddelaysa nolosha, dhaqaalaha iyo qaababka ammaanka caalamiga ah.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay leedahay fursado waaweyn oo lagu xoojin karo nabadda iyo horumarka, balse ay wadato khataro culus.
Inta uu ku guda jiray khudbadda, madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda dejinta shuruuc iyo siyaasado caalami ah oo lagu hago adeegyada garaadka macmilka ah ee AI, isagoo xusay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo in si siman ay tiknaloojiyadda casriga ah u gaarto dalalka caalamka oo idil.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada New York, kuwaas oo uu la yeelano madaxda isugu tegtay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxa uuna kala hadlayaa danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.
Madaxda uu la kulmay madaxweyne Xasan waxaa kamid ah Dhaxal-sugaha dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax oo ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha guud ee gobolka ee labada dal ay dan-wadaagta ka yihiin.
Waxaa kale ooa ay is arkeen Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee madaxweyne Trump, Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.
Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, joogteynta iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagixisada, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Si kastaba, shirka ayaa sanadkan kusoo aaday, iyada oo caalamka uu wahayo qataro waa wayn, sida xiisadda bariga dhexe ee kasii dareysa kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka ka socda gobolka ee hormuudka ay u tahay Israel oo weerarradeeda sii laba jibaartay.