Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in maanta uu mar kale ka dhaco kulan dhexmari doona guddiga loo xil saaray in ay xaliyaan dagaalka Magaalada Gaalkacyo.
Kulankaani ayaa waxaa goobjoog ka ahaan doona mas’uuliyiin labada dhinac ka kala tirsan, waxaana xal waara loogu raadinayaa Colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo.
Inta uu kulanka socdo ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in maanta si rasmi ah loo kala qaado ciidamada Galmudug iyo Puntland oo muddo ku dhow 2 bilood is horfadhiya.
Ka hor inta aan la kala qaadin Ciidamada ayaa waxaa la filayaa in la xaliyo Khilaaf ka dhextaagan guddigii loo xilsaaray in ay xaliyaan colaada Gaalkacyo qeybta Puntland, kuwaasi oo isku fahmi la qaabka loo wajahaayo xalinta Colaada.
Sidoo kale, waxaa qaab dhismeedka Guddiga xalinta gobolka Mudug ka hor imaaday tirro Odayaal ah kuwaasi oo ku doodaaya in dhinac loo badiyay Guddiga.
Madaxweynaha Puntland iyo Wasiiro ka tirsan maamulkiisa ayaa isku dayay inay qanciyaan Odayaasha carada ka qaba Guddiga xalinta colaada, hayeeshee waxaan wali isbedelin mowqifka Odayaasha Careysan.
Lama oga waxa kasoo bixi doona Kulanka maadaama Madaxdu ay hortaalo howlo farabadan oo ku aadan xalinta Colaada.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

