Kismaayo: Odayaasha Beesha Absame oo qarax lala eegtay ayaga oo shiraya

Kismaayo (Caasimada online) Sida wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay sheegayaan waxaa magaaladaasi qarax miino  lagu la eegtay Goob ay ku shirayeen odayaasha dhaqanka beesha Absame,.

Qaraxa ayaa sida la sheegay ka dhacay Xaafada Siinaay ee deegaanka Farjano ee magaalada Kismaayo gaar ahaan goob ay ku shirsanaayeen Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Absame ee halkaasi dega.

Geed qurac ah oo inta badan ay hoos Fariistaan odayaasha ayaa la sheegay in la hoos galiyay qaraxa ,taas oo tusaale u ah sida la tilmaamay in qaraxaas lala damacasa odayaasha halkaaasi ku shirsanaa ee kasoo jeeeda Beesha Absame.

lama oga khasaaraha dhabta ah ee kharaxaasi ka dhashay , waxaase jira warar la isla dhex marayo , oo ku aadan qaraxaas , kuwaas oo qaarkood ay sheegayaan in qaraxaas uusan sababin wax khaare ah halka wararna ay sheegayaan in qaraxa uu geystay khasaaro inkastoo aan la shaacin .

lama oga ilaa iminka cidda sida rasmiga ah kaga dambeysay qaraxa maanta lala beegsaday odayaasha.

sidoo kale kama hadlin wlai mas’uuliyiinta Maamulka Jubba ee ka arimiya magaalada Kismaayo .

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com