Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay kasoo qeybgaleen Odayaal, Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda Beesha Sade, ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.
Waxaa kulan aad looga dooday muhiimada uu leeyahay iyo sida ugu haboon ee looga qeyb-gali lahaa iyo waliba waxyaabaha looga hadli doono wajiga labaad ee Shir-weynaha midnimo ee magaalada Garbahaarey.
Inta uu kulanka socday ayaa waxa ay Odayaasha iyo Siyaasiyiinta isla soo qaaden Cida uu shirka khuseeyo lana filaayo inay ka qeybqaatan, waxaanna dood iyo falanqayn dheer kadib la isla meel dhigey in wajiga labaad ee shirweynaha midnimo oo markii hore la rabey in loogu yeero dhammaan beelaha dega Jubbooyinka uu haatan noqon doono mid loo qabto beesha Sade oo qura.
Sidoo kale, Odayaasha ayaa sheegay in Ujeedada ka dambeysa in wajiga labaad ee shirweynaha midnimo uu noqdo mid beesha Sade loo qabto ayay wax-garadku ku sheegeen in wajagii koowaad Shir-weynaha midnimo uu ahaa mid aaney Beeshu u wada dhameyn.
Ugu dambeyntii Waxaa kulankaan sidoo kale la isku af-gartey in wajiga Saddexaad ee shirweynaha midnimo uu noqon doono mid loogu yeero ama ay kasoo qayb-galaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Jubbooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]