25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

“Odayaashu wakhtiga ayay iska luminayaan ee XASAN SH. waxaa u cad hirgalinta go’aankiisa”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu weli taagan yahay Khilaafka ka dhashay halka lagu qaban lahaa shirka maamulka loogu dhisaayo Mudug iyo Galgaduud, ayaa waxaa arrintaasi si hoose uga hadlay Nabadoon Yuusuf Ducaale

Nabadoonka ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu wakhtiga luminaayo, waxa uuna tilmaamay ugu dambeyn inuu ku dhaqaaqi doono hadafkiisii ah goobta uu maagan yahay in shirka lagu qabto.

Waxa uu sheegay Nabadoon Yuusuf Ducaale oo ka mid ah waxgaradkii degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud in hadda sida ay wax u socdaan ay u muuqato in la aqbalo hadalkii madaxweynaha ee ahaa in degmada Cadaado shirka lagu qabto.

Sidoo kale, Nabadoonka ayaa carabka ku adkeeyay in inta badan Odayaashu aysan iminka khilaafsaneyn go’aanka ah in shirka lagu qabto Cadaado balse ay Odayaashu u muujinayaan dareen ah inay dhici karto in Dhuusamareeb lagu qaban karo wax waliba oo khuseeya aayaha Somalia.

Isagoo si qoto dheer arrintaasi uga hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Madaxweynaha dadka qaar marbuu la kulmay, qeybna waxbay tiri, waxaana u maleynaa in aakhirkii u socoto maadaama madaxweynaha uu isaga yahay in dhankiisa isugu shubato”

Nabadoon Yuusuf ayaa dhinaca kale sheegay in dhammaan Odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Dhuusamareeb in aanay isku fikir ahayn oo qof walba aragti gaar ah uu wato.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu go’aan adag ka gaaro Siyaasadaha ku saleysan deegaan jecleysiga ee goobta uu shirka ka furmaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News