Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa loogu baaqay inay dib uga saarto Somaliland digniintii guud ee safarka Soomaaliya.
Baaqan ayaa waxaa si wadajir ah u jeediyay guddoomiyayaasha guddiyada Golaha Wakiilada Mareykanka u qaabilsan la-dagaallanka xisbiga shuuciga Shiinaha.
Xildhibaanadan waxay ku andacoodeen in haddii tallaabadaas la qaado, ay si weyn u muujin doonto xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana ay dhiirrigelin doonto maal-gashiga Mareykanka iyo yareynta saameynta Shiinaha ee Geeska Afrika.
Qoraal ay u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marco Rubio ayay ku sheegeen in digniinta guud ee Soomaaliya ay xannibayso socdaalka iyo ganacsiga Somaliland, inkastoo Somaliland ay leedahay nidaam dimuqraadi ah, amni xasilloon, kana hortagta burcad-badeedda iyo argagixisada, iyadoo ilaalisa biyaha ku xeeran.
John Moolenaar iyo Chris Smith, oo ah labada xildhibaan ee arrintan ka hadlay waxay ku adkaysteen in Somaliland loogu sameeyo digniin safar oo u gaar ah, taasoo dhiirrigelin karta maal-gashiga Mareykanka, gaar ahaan fursadaha ku saabsan macdanta muhiimka ah sida lithium iyo copper.
Waxay tusaale u soo qaateen in wadamo kale oo Afrika ah sida Kenya iyo Itoobiya loo sameeyo talooyin safar oo gaar ah, sidaas darteedna ay muhiim tahay in Somaliland si lamid ah loo tixgeliyo.
Sidoo kale qoraalka ayaa xusay in talaabadan ay Mareykanka ka caawin karto ka hortagga saameynta Shiinaha, oo leh saldhig ciidan oo weyn oo ku yaalla Jabuuti, isla markaana taageero siiya weerarada ay Xuutiyiinta ka fuliyaan Badda Cas.
Labada xildhibaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay xiriir dhow la leedahay dalal dimuqraadi ah oo ay ka mid yihiin Taiwan iyo Israel, iyadoo iskaashi kula leh dhinacyada caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga badda.

