Doorashada Soomaaliya oo heer gabogabo mareysa ayaa waxaa sii xoogeysanaya ololayaasha ay musharaxiinta Madaxweynaha ku kasbanayaan kalsoonida xildhibaanada si loo doorto.
Waddooyinka magaaladda Muqdisho ayaa lagu arkayaa borar tiro badan oo jahwereer geliyey shacabka kuwaasi oo dhammaantod iska mid ah hal ku dhigyada. Musharaxiinta ayaa badankooda shacabka u soo badndhigin barnaamijkooda siyaasadeed taasi oo muujineysa in qaar badan isku soo sharaxeen in magac ay ku yeesheen iyo kuwa doonaya inay ku gorgortameen codadka ay heleen iyagoo aaminsan inay codad badan ka heli Karin xildhibaanada.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hor inta aysan dhicin doorshada olahiisa dardar uga waday dhanka saxaafada ayaa ka dib hoos u dhac ku yimid ka dib markii shaqsiyaad tageersan ay ku soo guul dareeysteen inay xildhibaanimo soo heleen.
Siyaasiyiinta iyo dadka wax odorosa ayaa aaminsan in Madaxweynaha tallada haya Xasan Sheekh Maxamuud aysan jirin cid kula hardami karta tartanka maadaama uu siyaasada aad iyo aad u fahmay , afarii sanno ee uu xukunka hayeyna uu waxbadan qabtay Soomaaliyana so gaarsiiyey meel maqaam sare ah oo u baahan in meesha laga sii wado ,waxaana taasi dheer in Xildhibaanadda Baarlmaanka soo galey intooda badan ay yihiin kuwa aad u fahamsan horumarka dalka uu soo gaarsiiyey Xasan Sheekh afartii sanno ee la soo dhaafay haddii uu helo afarta sanno ee soo socotana loogu daro Xasan Sheekh Soomaaliya ay la mid noqon doonto wadada Afrikaanka kuwooda horumarka ku tallaabsaday.
Sidoo kale Baarlamaanka ayaa waxaa ku jira dhallinyaro aqoon leh oo la jaanqaadi kara haddii Xasan dib loo doorto iyo sidoo kale dumar badan oo aaminsan in Xasan Sheekh uu ahaa qofkii kaliyah ee dagaalka u gelay in tirade dumarka ee Baarlmaanka la kordhiy
Si kastaba waxaa cirka isku sii shareeraya ololaha doorashada ee Musharaxiinta Cumar Cabdirashiid iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo xarumahooda ololaha ay ka socdaan olole xoogan oo xildhibaanada labada Aqal lagu casuumayo, oo labada mas’uul aad dareemeyso inay kala saareen xafiisyada Qaranka iyo xarumaha ololaha doorashooyinkooda oo ah tallaabo aad u wanaagsan. Xarumaha Olaha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa laga dareemayaa buux dhaaf .
Ololaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u socda si heer sare ah iyadoo guddiga Ololaha ay hoggaaminayaan Ruug Caddaa Siyaasada ku xeel dheer oo isagu jira siyaasiyiin, dhaqan, ganacsato, haween iyo dhalinyaro. Ololahan ayaa galay waji cusub ka dib markii xarumaha Ololaha oo gaaraya 5 xarumood lagu dhajiyey Boorar waaweyn, isla markaasna ay xildhibaanada si aad ah ugu qulqulayaan. Waxaa socda casuumaado qado iyo casho sharaf loo sameynayo xildhibaanda labada Aqal. Guddiga Ololaha Xasan Sheekh ayaa kalsooni buuxda ku qaba inay hadda heystaan xildhibaano tiro badan oo la isku hubo, rajana ay ka qabaan inay 2/3 heli karaan haddii ay xowliga hadda ku socdaan ku sii socdaan.
Haddii Xasan Sheekh guuleysto mar kale , aya oo ka dhigeysa inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey ee mar-labaab loo doorto xilka Madaxweyne ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Tanoo noqon doonta taariikh cusub oo keenta in horumarka socda la sii joogteeyo.
W/Q: Jimcaale Axmed Calasow
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]