Muqdisho (Caasimada Online) โ Isbitaalka Taqasusiga iyo Tacliimiga ah ee DALMAR ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si habsami leh uga socda howlo isugu jira baaritaanno, daweyn iyo indho-fiiqis bilaash ah oo loo sameynayo boqolaal qof oo danyar ah.
Guddoomiyaha hayโadda Al-Nur Foundation ahna agaasimaha Isbitaalka Dalmar, Prof. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, ayaa sheegay in dadka ka faaโiideystay mashruucan samafalka ah ay badankood ka kala yimaadeen xeryaha barakacayaasha Muqdisho, isla markaana aysan jirin wax lacag ah oo haba yaraatee laga qaadayo.
โIsbitaalka Dalmar waxaa ka socda howlo isugu jira baaritaanno, daweyn iyo indho-fiiqis samafal ah oo socday tan iyo bishii hore, iyadoo lagu guda jiro maalintii 3aad ee qaliinka. Dadka ka faaโiideysanaya waxaan ka soo kala xulnay xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda, sida degmooyinka Hodan, Wadajir, Garasbaaley, Dharkeynley, Heliwaa, iyo dadka danyarta ah ee isbitaalka yimaada oo aan ku darnay,โ ayuu yiri agaasimaha.
Dr. Dalmar ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu mashruucan u socdo iyo hayโadaha iska kaashaday: โWaxaa lagu qabanayaa ololahan Dalmar Hospital oo ay isla fulinayaan dhakhaatiir kala socota hayโadaha Al-Nur Foundation of Somalia iyo Al-Basar International Foundation ee dalka Pakistan, iyadoo ay fududaysay hayโadda King Salman Relief ee boqortooyada Sacuudiga,โ ayuu yiri Prof. Dalmar.
Hayโadaha Al-Nur Foundation iyo Al-Basar International Foundation ayaa markii ugu horraysay wada billaabay ololaha indho-fiiqista lacag-laโaanta ah bishii September ee sannadkii 2005, kaasoo ay ka fuliyeen isbitaalka indhaha Al-Nur ee degmada Heliwaa, sida uu sheegay Dr. Dalmar.
Waxaa uu intaas ku daray in dadka loo kala saarayey kuwa daaweyn u baahan iyo kuwa qaliin u soo baxay, isagoo xusay in qaliinka indho-fiiqista oo socon doona muddo shan cisho ah uu bilowday 17-kii Agoosto 2025, isla markaana uu socon doono illaa 21-ka bishan.
โWaxaa mashruucan ka faaโiideystay dad gaaraya 4,776; dadkaas 3,870 ka mid ah waxaa loo sameeyey baaritaan & daweyn bilaash ah, halka qaliin dhinaca indhaha uu u soo baxay illaa 457 qof, qaliimadooduna ay si habsami leh uga socdaan xarunta isbitaalka,โ ayuu yiri Dr. Dalmar oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iney maalmahan dhiman ka faaโiideystaan adeegyada socda.
Waxaa uu sheegay in qaliinkan socda uu yahay mid casri ah oo indhaha aan la toleyn, isla markaana qofka marka qaliinka la dhameeyo uu isla markiiba socon karo, wuxuuna tilmaamay in si weyn loogu guuleystay.
Agaasimaha Al-Nur Foundation Dr. Dalmar ayaa xusay in mashaariicdan noocan ah ay socdeen muddo ka badan 20 sano, ayna ka faaโiideysteen kumannaan qof oo dalka ku baahsan, isagoo u mahadceliyey dhammaan hayโadaha iyo shaqaalaha isbitaalka ee ka qeyb qaadanaya.
Mudane Fakhrudiin Dakhan, oo hoggaaminaya dhakhaatiirta ka socota Al-Basar International Foundation ee Pakistan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka caalamka ee ugu badan ee indha laโaantu ka jirto, sidaas darteedna ay doorbideen inay ka qeyb qaataan mashaariicda noocan ah.
Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha iyo danyarta ah ee ka faaโiideystay adeegyada ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliin ay u baahnaayeen indhahooda, isla markaana aan wax qarash ah laga qaadin, iyagoo u mahadceliyey maamulka isbitaalka Dalmar iyo hayโadihii kale ee ka qeyb qaatay.
Maalmahan waxaa Isbitaalka Dalmar laga dareemayaa mashquul badan, iyadoo ay buux-dhaafiyeen dad u badan daโ ah oo rag iyo haween isugu jira, kuwaasoo loo sameynayo qaliinno bilaash ah, halka shaqaalaha isbitaalkuna ay si hagar laโaan ah u baxnaaninayaan bukaanada qaliinka maraya iyo kuwa loo diyaarinayo.