28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

ONLF oo ka hadashay warar ku baahay baraha Bulshada oo sheegaya in xil loo magacaabay Qalbi-Dhagax

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Baraha Bulshada aad looga hadal hayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta oo loo Magacabay nin ku magac ah Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ka tirsan ONLF.

Shaqsiga uu Madaxweynaha DDSI u magacaabay Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa magacyada ugu horeeya ka shabaha Qalbi Dhagax, waxa ayna taasi abuurtay hadal heyn ku baahday baraha bulshada.

Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan ka qayb aheyn Maamulka Mustafa Cagjar.

Hirmooge, waxa uu sheegay in Taliyaha Ciidamada Asluubta ay magaca wadaagaan Qalbi Dhagax balse aanu aheyn.

Waxa uu tilmaamay in maamulka hadda jira ay wada galeen heshiis, balse aanu aheyn mid ay wax ku raadinayeen.

Waxa uu intaa ku daray in ONLF aysan ka qeybgali doonin maamulka KMG ah ee lagu dhisay marxalada adag, hase yeeshee ay ciladu tahay magaca oo isku eg.

Taliyaha Ciidamada Asluubta ee uu magacaabay Madaxweynaha DDSI ayaa waxaa lagu magacaabaa Korneel CabdiKariin Sheekh Muuse.

Haddalka ONLF ayaa imaanaya xili baraha bulshada uu qabsaday magaca Qalbi Dhagax iyo hambalyo wada socda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News