27.4 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

ONLF oo si adag uga hortimid qorshaha cusub ee uu Abiy Ahmed ku dhaqaaqay

Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay sheegay in Itoobiya ay haatan diyaar u tahay in shidaalka la soo saaray lagu isticmaalo suuqyada maxalliga ah, si uu gacan uga geysto kobcinta dhaqaalaha dalka.

Ceelasha shidaalka ee la daahfuray ayaa ku kala yaalla deegaannada Kaali oo ka tirsan degmada Dhoobaweyn ee Gobolka Qorraxay, iyo degmada Elele ee Gobolka Shabeelle, kuwaas oo dhamaantood hoos yimaada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Hase yeeshee, Ururka ONLF ayaa si cad uga hor yimid qaabka ay dowladda dhexe ee Itoobiya u maamuleyso khayraadka laga helo deegaankaas.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in aan dadka deegaanka lagala tashan qorshaha soo saarista shidaalka, isla markaana aan si caddaalad ah loo wadaagin dakhliga kasoo baxaya.

Afhayeenka ONLF, Caddaani Hiirmooge, oo la hadlay BBC ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay shidaalka deegaanka ku wareejisay shirkado shisheeye, iyada oo aan shacabka deegaanka wax oggolaansho ah la weydiin.

Sidoo kale wuxuu xusay in arrintaasi ay lid ku tahay danaha dadka Soomaalida ah ee deegaanka, maadaama aysan ka helin wax faa’iido ah oo muuqata.

Hiirmooge ayaa sheegay in dowladdu aanay waligeed qeyb ka siin kheyraadka dalka dowlad-deegaannada, isagoo tusaale u soo qaatay meelaha sida Wajaalle iyo Jabuuti oo uu sheegay in ay bixiyaan dakhliga ugu badan, balse aanay dadka deegaannadaas waxba ka helin. “Dadkeena lagalama tashan, xitaa maamulka deegaanka laftiisa lagalama tashan,” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay in ururka ONLF iyo shacabka deegaanka ay xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan sida dhulkooda iyo hantidooda loo maamulo.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dalka Australia, isagoo sheegay in hal god shidaal ah aan lagu qodi karin degaan haddii aan dadka deegaanka oggolaan.

Dadaal lagu doonayay in jawaab laga helo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ku aaddan eedeymaha ONLF ayaan guulaysan, maadaama aysan weli ka soo bixin wax war ah.

ONLF ayaa sidoo kale muujisay walaac ku saabsan sida loo qeybsanayo dakhliga shidaalka, iyaga oo ku dooday in nidaamka hadda jira uusan caddaalad ahayn.

“Natijadu ma noqoneyso waa lasoo saarayaa, oo faa’iduu kuu leeyahay, oo anaa kuu qeybinaya, oo anaa kuu cunaya adna waa in aad ku faraxsanaataa ma shaqeyneyso,” ayuu yiri Hiirmooge oo sheegay in go’aanka arrintaan ay leeyihiin Soomaalida.

Marka laga eego dhinaca dhaqaalaha, khubaro ayaa horay u saadaaliyay in Itoobiya ay sanadihii ugu horreeyay ka heli karto shidaalka dakhli dhan 1.2 bilyan oo doollar, iyadoo la filayo in sannadaha dambe uu kor u kaco oo gaadho ilaa 7 bilyan oo doollar.

- Advertisement -

Read more

Local News