Oomaar: Wasiirada aan xildhibaannada aheyn ee DF waa looma ooyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Omaar) oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhismaha dowladda cusub.

Oomaar ayaa wareysigan si gaar ah diiradda ugu saaray arrimo ku aadan xukuumadda soo socoto iyo waxybaaha loo baahan yahay in ka hor la qaado.

Wasiirka oo ka mid ah xubnihii aadka ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee dalka ayaa is bar-bar dhig ku sameeyey, xildhibaanada wasiirada ah iyo xubnaha bannaaka laga keeno.

“Aniga waxaan ahaa wasiir afar sano oo buuxdo ayaan wasiir ka ahaa meesha, mana aheyn xildhibaan waa wixii Soomaalida ay dhihi jirtay looma Ooyaanka,” ayuu yiri wasiir hore.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in inta badan xubnaha baarlamaanka kasoo gala golaha wasiirada loo keeno sidii ay dowladda u difaaci lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jira wasiiro xildhibaano ah shan sano iyo ka badan meesha soo taagnaa waxay qabteen aadan garaneynin kaliya inay dowladda ka difaacaan baarlamaanka loo soo galshay,” ayuu markale ku yiri wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sidoo kale soo jeediyey in la koobo tirada xubnaha ka imaanaya baarlamaanka, si loo kala madax banneeyo labada hay’adood.

“Anigu waxaan dhihi lahaa iyadoo loo baahan yahay in dowladda baarlamaanka dad ka mid ah soo galaan, baarlamaanka waa tiro yar oo kooban qibradda iyo wixii laga rabay dhamaantood lagama wada heli karo, marka waa muhiim in tirada la yareeyo,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhinaca dhaqaalaha xittaa ay saameyneyso arrintan, isla-markaana aan mushaar loo heli karin xubnaha tirada badan ee baarlamaanka.

“Ku xigeennada tirada badan iyo wasiiru dowleyaasha loo sameeyey in dowladda ay ka difaacaan baarlamaanka sax ma’aha mushaaraadkoodana lama awoodo,”.

Hadalkan ayaa kusoo beegmayaa, iyada oo haatan Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku howlan yahay dhismaha dowladdiisa, oo ay ugu horreyso magacaabida ra’iisul wasaaraha.