Patrice Evra: Robin van Persie wuxuu noqon doono Ruud van Nistelrooy-geena cusub.

Patrice Evra ayaa sheegay inuu Robin van PersieĀ  noqon doono Ruud van Nistelrooy-ga Old Trafford, kabtankii hore ee Arsenal ayaana noqday mashiinka goolasha Red Devils ka dib markii uu Toban jeer shabaqa soo taabtay xilli ciyaareedkaan wuxuuna Manchester United u daah furay goolasha kulankii ay 2-1 sabtidii ku garaacday Arsenal.

Hadaba ninka heysta Kabtanimada United Evra ayaa rumeysay in ciyaaryahanka laga soo bixiyey 22da milyan ee ginni uu la mid noqon doono halyeeygii goolasha u dhalin jiray kooxda Ruud van Nistelrooy.

Ruud van Nistelrooy ayaa 150 gool dhaliyey shan sano oo uu ka hoos ciyaarayey Alex Ferguson — ninka ay isku wadanka yihiin Robin van Persie ayaana wado dheer weli u dhiman tahay.

ā€œDadku hada wey garan karaan in Robin uu xoog badan yahay maskax ahaan. Wuxuu u muuqdaa inuu sanado badan noo ciyaarayey wuxuu isoo xasuusiyey Van Nistelrooy,ā€ ayuu yiri Evra.

ā€œWaxaan ku rajo weynahay inuu sidaan kusii socdo sababtoo ah wuxuu noqon karaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan.

ā€œWaan lasoo ciyaaray Ruud markii aan lasoo saxiixday United waxaana ku xasuustaa inuu ahaa ciyaaryahan weyn.ā€

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.