25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Prof. Dr. Salah Aidarus Nasir oo lagu soo dhoweeyey Dalmar Hospital (Sawirro)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Isbitaalka taqasusiga & tacliimiga ah ee Dalmar oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa martigeliyey munaasabad kooban balse xambaarsan qiimo weyn, taasoo soo si milgo iyo maamuus leh loogu dhoweeyey Prof. Dr. Saalax Caydaruus Naasir (Al Camuudi) oo in muddo ah dibadda ku maqnaa, kuna soo laabtay dalka.

Dr. Saalax Caydaruus Naasir waa dhaqtar ku taqasusay qaliinka guud iyo macalin caan ku ahaa baridda cilmiga Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda xiligii beri samaadkii wuxuuna door weyn ka soo qaatay tayeynta iyo soo saarista dhaqaatiir badan oo maanta ka shaqeeya isbitaallada dalka iyo dibaddaba.

Guddoomiyaha guud ee Isbitaalka Dalmar Prof. C/risaaq Axmed Dalmar oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay iney farxad & sharaf u tahay soo dhoweynta Dr. Saalax Caydaruus Naasir oo ka mid ahaa macalimiintiisii sida gaarka u soo barbaariyey, una hagay intii uu ku jiray waxbarashadiisii Jaamacadeed.

“Maanta farxad ayey inoo tahay haddii aan nahay bahda Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar iyo gaar ahaan anigoo ah Dr. C/risaaq Dalmar, maxaa yeelay waxaa nala jooga Profasorkaygii aniga macalinka ii ahaa Prof. Dr. Saalax Caydaruus Naasir (Al Camuudi) oo sidoo kale ahaa Dhaqtar weyn oo Soomaaliyeed, xili hore ayaan bartay anigoo arday ahaa ayuu macalin ii ahaa isagoo inoo dhigi jiray Maadada qaliinada deg deg ah (Emergency Surgery) xiligii Jaamacadda, waxaana kala soo shaqeeyey meelo  meelo badan oo isbarashadeenii ay ka sii socotay” ayuu yiri Dr. Dalmar oo sidoo kale xusay in Prof. Saalax Caydaruus uu ahaa barre ku dhiirrigeliyey jacaylka cilmiga, anshaxa shaqada, iyo u adeegidda bulshada.

“Profasor Caydaruus ma ahan oo kaliya qof ii dhigay casharro Jaamacadeed, balse wuxuu ahaa hagaha nolosheyda xirfadeed iyo qof aan fiirsano (Role Model) Soo laabashadiisana waxay inoo tahay farxad iyo xusuus weyn” ayuu intaas ku daray Dr. Dalmar oo ku dheeraaday taariikhdii ay isla mareen isaga iyo Prof. Saalax Caydaruus xiligii jaamacada ka dib iyo khibradii uu ka dhaxlay.

“Maanta ma ahan oo keliya maalin soo dhoweyn, balse waa maalin xusuus iyo qaddarin. Prof. Ceydaruus waa macalinkii i baray cilmiga, anshaxa shaqada, iyo in aqoonta loo adeegsado badbaadinta nolosha aadanaha, Aniga iyo dhaqaatiir badan oo maanta jooga waxaan nahay miro ka baxay geedkii uu beeray macalinkeenna waxaana jirta qaacido oraneysa Macalin wax baray hal dhaqtar ma uusan barin qof keliya, balse wuxuu dhisay mustaqbal bulsho dhan. Prof. Caydaruusna wuxuu ka mid yahay macalimiinta dhifka ah ee raad waara ku reebay ardaydooda,” ayuu yiri Dr Dalmar.

Dhankiisa, Prof. Dr. Saalax Caydaruus Naasir (Al Camuudi) oo si khiiro leh u hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Isbitaalka Dalmar iyo sida diiran ee loogu soo dhoweeyey oo uu uga mahad celiyey maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka, isagoo sheegay in soo dhoweynta loo sameeyey ay ka tarjumeyso ixtiraamka ay ardaydiisu u hayaan macalinkoodii.

Waxaa uu sidoo kale muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu arko ardaydiisii oo noqday dhaqaatiir hormuud ah, isla markaana ka shaqeynaya horumarinta adeegyada Caafimaadka dalka. Wuxuu bogaadiyey dadaalka isbitaalka Dalmar iyo doorka ay aqoonyahanku ka qaadanayaan dib u dhiska nidaamka Caafimaadka.

“Waxyaabaha aan sida weyn uga farxay waxaa ka mid ah horumarka weyn ee uu ku talaabsaday isbitaalka Dalmar oo bulshada u fidiya adeegyo Caafimaad oo tayo leh oo la jaanqaadaya kuwa caalamka horumaray, isagoo adeegsanaya khubaro caafimaad iyo qalab casri ah oo qeybo badan leh, meelaha sida weyn ii soo jiitay waxaa ka mid ah qeybta Kelyo Sifeynta (Dialysis Unit) maadaama ay dalka ku soo badanayaan xanuunada kelyaha iyo sida naxariista leh ee bukaanada loogu adeego iyadoo hoos loo eegayo duruufahooda dhaqaale” ayuu yiri Prof. Caydaruus.

Dhinaca kale, Prof. Dr. Saalax Caydaruus Naasir (Al Camuudi) ayaa ku bogaadiyey Dr. Dalmar sida uu shaqadiisa dhaqtarnimo ugu barbar wado soo saarida jiilal cusub ee dhaqaatiir ah maadaama uu ka mid yahay Asaasayaasha iyo barreyaasha Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Benadir, isagoo ku amaanay doorka hormuudnimo ee Dr. Dalmar iyo dhaqaatiirka kale ee uu wax soo baray kaga jiraan horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka.

“Ma jirto farxad ka weyn in macalinku arko ardaydiisii oo noqday dhaqaatiir u adeegaya dadkoodii, Dr. Dalmar iyo temakiisa maanta halkan jooga, waa tusaale cad oo muujinaya in aqoon la barto aysan lumin. Waxaan ku faanayaa in aqoontii aan idin baray aad maanta bulshada u adeegaysaan.” ayuu yiri Dr. Caydaruus.

Maamulka Isbitaalka ayaa qado sharaf ku maamusay Prof. Caydaruus iyo xubnaha la socday, waxaana qado sharaftaas ka soo qeyb galay Senator Prof. Dr. Cusman Maxamuud Dufle oo ah Guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Golaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia iyo aqoonyahano kale, iyadoo munaasabadaas hadiyado kala duwan lagu gudoonsiiyey Prof. Saalax Caydaruus Naasir.

Senator Dufle oo munaasabadda soo xiray ayaa uga mahadceliyay Prof. Dalmar casuumadda iyo hab maamuuska uu u sameeyay Macallinkooda Prof. Saalax Caydaruus oo uu ku tilmaamay halyay taariikhda Caafimaadka Soomaaliya kaga jira baal dahab ah.

Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay duco iyo ballanqaad ah in Prof. Dr. Saalax Caydaruus Naasir (Al Camuudi) uu la-talin aqooneed siin doono dhaqaatiirta iyo ardayda caafimaadka, si uu khibraddiisa ugu biiriyo horumarka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News