Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, afhayeenkii baarlamaanka ayaa markale doonaya inuu kusoo laabtaa xilka guddoonka baarlamaanka.
Jawaari oo taageero ka helaya musharixiinta qaar ayaa doonaya inuu soo laabto, wuxuuna bilaabay galaangalkiisa siyaasadeed iyo siduu kusoo laaban lahaa.
Wuxuu iminka bilaabay inuu la kulmaa xildhibaanada qaarkood, maadaama uu ka doonayo inay codadkooda siiyaan.
Wuxuu la kulmay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo balanqaad u sameeyay.
Jawaari ayaa fursad kale heli kara maadaama uu taageero weyn ka helayo musharixiinta madaxweynenimada dooneysa qaarkood oo doonaya in beeshiisa ay helaan guddoonka baarlamaanka.
Wuxuu ilaa iyo hadda la kulmay qaar kamid ah xildhibaanada, isagoo u sheegay hadafkiisa dhabta ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]