PSG oo kasoo mid noqotay kooxaha doonaya xidiga AS Rome Daniele De Rossi.

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay inay xaqiiq tahay inay jeclel yihiin Daniele De Rossi, laakiin wuxuu cadeeyey in wax ku saabsan arinka aysan usoo bandhigeyn saxaafada.

Kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ayaa ka dhex muuqatay suuqyada Yurub ka dib markii ay lasoo wareegeen xidigo magac leh sida Zlatan Ibrahimovic, Thiago Silva iyo Ezequiel Lavezzi.

Sida uu tebinaayo Sky Sport Italia, maalqabeenada reer Qatar ayaa diyaar u ah inay heelaan geesiga qadka dhexe ee kooxda AS Rome.

“Waa dhab, inaan jecelnahay De Rossi. shaki la’aan waa ciyaaryahan weyn, laakiin wax ku saabsan kama aan sheegeyno saxaafada.”
De Rossi ayaa lasoo sheegayaa inuu khilaaf xoogan kala dhexeeyo tababarihiisa  Zdenek Zeman kaasoo aan la ciyaarsiin kulankii 2-0 ku dhamaaday ee Atlanta.