Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Puntland, gaar ahaa qaybtooda gobolka Nugaal oo xalay howlgal culus ka sameeyay gudaha magaalada Garoowe ayaa gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan dilal shalay ka dhacay gudaha magaaladaasi.
Dilka oo loo gaystay laba nin oo uu mid kamid ah ahaa waardiye ayaa si gaar ah uga dhacay bannaanka hore Hoteel ku yaalla Garooowe, iyada oo dilka ay gaysteen dabley hubeysan oo kadib ka baxsaday goobta.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi loo soo xiray laba qof, kuwaas oo loo gudbiyay xarunta C.I.D, waxaana ku socda baaritaanno dheeraad ah
“Ciidanka Booliska oo kaashanaya Laanta Dambi-baarista (CID) ee Gobolka Nugaal ayaa isla markiiba bilaabay howlgallo baaris iyo raadraac ah. Natiijada baaritaankaasi ayaa keentay in la qabto labo ruux oo hadda loo haysto falkaasi, kuwaas oo ku jira gacanta CID-da, iyadoo baaritaanka rasmiga ah uu ku socdo.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Puntland.
Waxaa kale oo lagu yiri warsaxaafadeedka ” Warbixin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka ayaa laga soo saari doonaa marka la dhammeeyo hawlaha baarista”.
Sidoo kale taliska Booliska ayaa farriin u dira shacabka Garoowe, wuxuuna ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah.
“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan marka ay jiraan dhacdooyin culus oo sidaan oo kale ah, si loo sugo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka” ayaa lasii raaciyay.
Falalka dilka ah ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe, kuwaas oo marar badan soo wajahday dhacdooyin la xiriira amni-darro.
Si kastaba, Puntland ayaa haatan qaaday tallaabo deg-deg ah, si wax looga qabto dhacdooyinka dilalka ah ee soo kordhay ee ka dhacaya magaalooyinka maamulkaasi.