PUNTLAND iyo DAACISH oo maalintii saddexaad ku dagaalamayo GALGALA

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maalintii saddexaad dagaal u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka oo billowday labo maalin ka hor ayaa geystay khasaare isugu jiri dhimashio iyo dhaawac, waxaana xoogiisa uu ka socdaa buuraha Calmiskaad iyo Galgala.

Saraakiil ka tirsan Puntland oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay dhul ballaaran ka qabsadeen Daacish, sidoo kalena ay gaarsiiyeen khasaare lixaad leh.

Wararka ayaa intaasi kusii saraya in haatan ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa PSF-ta Puntland lagu daad gureeyey deegaanada uu dagaalku ka socdo, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshan dagaalladaasi, iyaga oo bilaabaya inay isaga barakacaan goobaha ay ku dagaalamaan Puntland iyo Daacish.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Daacish oo ku aadan dagaalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa Puntland ay xoojisay howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Baro.

Arrimahan waxa ay kusoo aadayaaan, iyada oo Puntland dhowaan kooxo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ay toogasho ku fulisay, kadib xukun dil ah oo lagu ridday.