Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga u taxaabay qaar kamid ah mas’uuliyiintii Somaliland ee magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Mas’uuliyiintan ayaa qeyb ka ahaa 9 qof oo ciidamada ammaanka Puntland ay kasoo xireen magaalada Badhan, kuwaas oo ku eedeysan inay abaabulayeen xaflad lagu taageerayo Somaliland.
Dadka la xiray waxaa kamid ah Taliyihii Booliska Somaliland ee magaalada Badhan, sawir-qaade iyo dad kale oo la sheegay inay qeyb ka ahaayeen qaban-qaabada xaflada taageerada loogu muujinayay Somaliland.
Somaliland ayaa maalin ka hor degmooyinka Badhan iyo Laasqoray u magacowday maayirro cusub, balse waxa la xaqiijiyey in aysan ka mid ahayn dadka ay Puntland xidh-xidhay.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, shaqsiyaadkan ay ku jiraan mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa uu maamulka Puntland maanta u dhaadhiciyay xabsiga Boosaaso.
Waa markii u horreysey ee muddooyinkan danbe oo maamulka Puntland qaadayso tallaabo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa maamulka Somaliland uu ka wado gobolka Sanaag.
Tan ayaa dib usoo nooleyn karta murankii mudada dheer ka taagnaa habmaamulka magaalooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, ee u dhaxeeyay maamullada Puntland iyo Somaliland, iyadoo dhanba dhanka kale ugu muujinayo awoodda uu halkaaas ku leeyahay.
Dhawaan ayey aheyd markii Puntland iyo Somaliland ay heshiis taariikhi ah ku gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Labada maamul ayaa markaas ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada.
Shirkaas oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.
Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.
Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.
Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa markaas si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.
Heshiiska Nairobi ayaa xoojiyay cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.

