Nairobi (Caasimada Online) – Heshiiska ay Puntland iyo Somaliland maanta ku gaareen Nairobi, wuxuu u muuqdaa duullaankii ugu horeeyay ee lagu qaaday maamulka cusub ee Waqooyi-Bari.
Sanaddo badan, ma jirin wax xiriir siyaasaddeed ama mid amni ah oo dhexmaray Puntland iyo Somaliland, laakiin taas macnaheedu ma’ahan ineysan dhibaatooyin ka jirin xadkii hore ee labada maamul, balse hada isu rogay maamul gobolleedka.
Jaceyl siyaasaddeedka cusub ee Putland iyo Somaliland waxaa la yiraahda ma jiri karo maamul dhexdeena ka dhisma.
Sidaa awgeed hoggaanka maamulka Waqooyi Bari, iyo madaxda Dowladda Federaalka ah waxaa la gudboon iney u diyaar garooban iska caabin siyaasaddeed, oo lagu difaacayo maamulka Waqooyi Bari, hannaanka federaalka ah iyo midnimada dalka.
Marka laga tago diidmada maamulka Waqooyi Bari ee mideysay Puntland iyo Somaliland ee keentay iney maanta heshiis gaaraan, hadana dhinaca kale Siciid Deni ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay mudnaan gaar ah siinayay inuu xiriir dhow la yeesho Somaliland.
Deni ayaa aaminsan inuu Cabdiraxmaan Cirro wax kala qaban karo mashruuciisa madaxtinimada Soomaaliya, maadaama ay Baarlamaanka Soomaaliya soo galaan mar walba xildhibaanno badan oo reer Waqooyi ah oo toos ugu xiran ama uga amar qaata maamulka Somaliland.
Si kastaba, heshiiska Nairobi ayaa noqonaya mid taariikhi ah oo ay gaaraan maamullada Puntland iyo Jubaland. Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada.
Shirkan oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.
Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.
Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.
Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.
Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

