24 C
Mogadishu
Thursday, September 4, 2025

Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka oo iclaamiyay shir ka dhan ah Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada kasoo horjeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta ayaa qabanaya shirweyne looga arrinsanayo xaaladda dalka.

Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa si adag uga soo horjeeda hanaanka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh wax ku wado, iyadoo dhinacyadani isku seegeen wax ka beddelka dastuurka.

Shirkan ayaa dhawaan qabsoomi doona, sida uu shaaciyay Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo kamid ah xildhibaannada mucaaradka.

“Dhawaan shirweyn ayaa isugu imaan doona Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta, si ay Qaranka Soomaaliyeed uga badbaadiyaan Xasan Sheekh iyo kooxdiisa xaraashka ku wada,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig.

Inkastoo si rasmi ah loo shaacin goorta iyo goobta uu ka dhacayo shirweynaha, haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirka ka dhanka ah Xasan Sheekh ay martigelin doonto Puntland, uuna ka dhici doono magaalada Garoowe.

Dhawaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u muuqata mid ka war haysa qorshaha mucaaradada uga bilaabanaysa Garoowe ayaa maamulka Waqooyi Bari ka dalbatay inay dowladda uga filnaato mucaaradada deriskeeda laga soo abaabulayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa hoggaanka maamulka u soo jeediyay inay mucaaradka Muqdisho iyo kan deriskooda ka difaacaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dhawaan heshiis siyaasadeed gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo afar kamid ah xubnihii mucaaradka ee isaga baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo isla meel dhigay qodobo taabanaya dastuurka iyo doorashada, taas oo mucaaradka diiday.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed xasaasi ah oo dalka u horseedi karta hubanti la’aan, waxaana xoogeysanaya dhaq-dhaqaaqyada iska soo horjeeda ee dowladda iyo xubnaha mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News