25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Puntland oo amar kusoo rogtay Imaamyada masaajidda iyo macalimiinta qur’aanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa amaro adag kusoo rogay macalimiinta dugsi qur’aanka iyo imaamyada masaajida magaalooyinka Puntland ku yaala.

C/waaxid Cabdulle Warsame oo ah taliyaha ciidamada booliska ee Mudug ayaa ku amray imaamyada masaajidda magaalada Gaalkacyo iney iska diiwaan geliyaan taliska booliska.

Taliyaha ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay arintaan iney tahay xaqiijinta amaanka magaalada Gaalkacyo, waxaana imaamyada maasaajida la faray iney diiwaan geliyaan xitaa ardada ay wax baraan ama kitaabada u aqriyaan.

Sidoo kale macalimiinta dugsiyada Qur’aanka iyo macalimiinta iskuulada ayaa la faray iney is diiwaan geliyaan si loola socdo dhaqdhaqaaqooda.

Qaar kamid ah macalimiinta iyo imaamyada ayaa walaac ka muujiyay amarka cusub ee kasoo baxay taliska ciidamada booliska ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News